Duqeymo culus oo ka dhacay Gobalka Mudug

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta duqeymo diyaaradeed ay ka dhacay duleedka degaanka Cammaara, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Gaadiid dagaal oo Al-Shabaab saaka ku qabsadeen weerarkii ay ku qaadeen degaanka Cammaara, iyaga oo u waday degaannada kale oo ay kaga sugan yihiin Koonfurta Gobolka Mudug.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay Xubno badan oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana ay aheyd mid looga jawaabayay weerarkii Al-Shabaab ee degaanka Cammaara.

Degaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ku hardamayay Ciidamada dowladda oo ay wehlinayaan kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada dowladda ay degaano dhowr la wareegeen.