Ethopia: Ciidanka Dowlad deegaanka Soomaalida oo qabtay hub fara-badan

Ciidanka gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa howlgal Gaadiidka lagu baarayay oo ay ka sameeyeen Magaalo qaran ayaa waxaa ay ku qabteen hub iyo rasaas farabadan, kuwaas oo la doonayay in lasoo galiyo deegaanka.

Gashaanle Cabdi yare Cabdi Mahad oo ah madaxa Maamulka ee ciidanka Madaxatooyada iyo Xidigle deeq cali biixi oo kamid ah xooga ciidanka gaarka ah ee kahowlgala kantaroolka magaalo qaran ayaa sheegay in inay sidoo kale wabteen darawalkii waday gaarigii hubku saarnaa iyo waliba ninkii watay hubkan sharci darada ah.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in aysan ahayn markii koobaad ee ay hub sharcidaro ah oo larabo in deegaanka la soo galiyo ay qabtaan balse ay jirto marar kale oo sidan oo kale loo qaabtay.

Ciidamada gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa howlgallada ay sameeynayaan kordhiyay tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo kuwa Gobolka Tigreega ee TPLF.

Idilnews