Madaxweyne Deni oo hambalyo u diray xulka Gobalka Haylaan

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray xulka Gobalka Haylaan oo galabta ku guuleystay Tartanka 8-aad ee Ciyaaraha Gobalada Puntland, kaddib markii ay ka adkaadeen dhigooda Gobalka Nugaal.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka uu Madaxweynaha Puntland soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxaan hambalyeenaya Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Haylaan oo ku guuleystay Galabta Tartankii Kubadda Cagta ee Gobollada Puntland, sidoo kale Xulka Kubadda Cagta ee Nugaal iyagana kaalinta labaad galay waxaan lee ahay hambalyo waa dadaasheen .

Ciyaaruhu waa isdhexgal Bulsho, oo kor u qaadaya Wacyiga dhallinyarada, runtii intey socdeena siweyn ayaa looga dareemay Puntland sida ay dhallinyarada iyo guud ahaan Bulshadu u xiisaynayaan.

Waxaan bogaadinaya shaqada wanaagsan ee la qabtay, Wasaaradda, Masuuliyiinta Ciyaaraha illaa heer Gobol, Ciidamada amniga sugayey, Warbaahinta oo door muhim ah qaadatay iyo dhammaan cidkastoo ka qeyb qaadatay.

Guulaysta,
Idilnews