Xulka Gobalka Haylaan oo ku guuleystay Tartanka 8-aad ee Ciyaaraha Puntland

Xulka kubadda cagta Gobalka Haylaan ayaa ku guuleystay Tartanka 8-aad ee Ciyaaraha Gobalada Puntland, kaddib markii 3-4 gool ku laad ah uga adkaadeen dhigooda Gobalka Nugaal.

Ciyaartan oo aheyd mid xiiso badan ayaa 90 daqiiqo ee caadiga aheyd kusoo dhamaatay 2-2, waxaana loo gudbay Gool ku laad, iyadoona 5-tii ku gool ku laad ee Labada xul, 2 kamid ah laga qabtay xulka Gobalka Nugaal, halka Haylaan ay cuntay 1 gool ku laad.

Idilnews