Cilmi-baaris xog muhiim ah ka bixisay nolosha dadka Soomaaliyeed oo la soo bandhigay

Maalintii labaad ayaa saakay lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo bandhigo cilmi-baaris laga sameeyay nolosha Soomaaliya, sida dhaqaalaha, caafimaadka, warbarashada iyo sharciga.

Cilmi baaristan waxaa soo bandhigaya aqoonyahanno Soomaaliyeed oo kaashanaya jaamacad ku taalla magaaalada Muqdisho.

Waxyaabaha sida aadka ah looga hadlayo waxaa kamid ah saameynta xanuunka Covid19 uu ku yeeshay dhaqaalaha iyo guud ahaan dalka, iyadoo sidoo kale aqoonyahanku ay bixinayaan talooyin ku aaddan sida xalka ay u arkaan.

Idilnews