Masuuliyiin uu dhowaan magacaabay Madaxweyne Deni oo xilka la wareegay (VIDEO)

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa ka qeybgalay Munaasabad ay xilka kula wareegayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo Agaasime-waaxeedyo uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Wasiir kuxigeenka Amniga Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan ayaa sheegay in Wasaaradda Amnigu ay muhiim u tahay Dowladda iyo Shacabka Puntland, isagoona kula dardaarmay masuuliyiinta xilka la wareegay inay si wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Puntland, Taliye kuxigeenka Ciidammada Booliska Puntland iyo Marti-sharaf kale.

Idilnews