Muxuu yahay ujeedka safarka Waftiga ka socda Switzerland ee deegaanada Puntlnd ?

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland ahna sii-haya xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa maanta la kulmay Wafti ka socday Safaaradda Switzerland ee Soomaaliya.
Wafdigan oo u hoggaaminayay Cyprian Nyamweno iyo Nimco Maxamuud Jirde ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda ee magaalada Garoowe.

Kulan ay ku yeesheen xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe, waxaa goobjoog ka ahaa Xiriiriyaha mashruuca PFM Cabdiqaadir Axmed Xaashi, Madaxa Mashruuca RCRF Shukri Warsame iyo Khabiirka qaybta xiriirka PFM Ruqiyo Cabdicasiis.

Wasiir kuxigeeenka Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa sheegay in muhiimada kulanka uu ahaa sidii wafdigan wax uga oggaan lahaayeen mashaariicda ka socota Puntland ee ay Puntland kala shaqeynayso Bangiga Adduunka.

“ Waxay doonayeen in ay oggaadaan Bangiga adduunka mashaariicda uu fuliyay iyo meesha ay wax marayaan, caqabadaha jira , waxyaalahaas ayay ahayd muhiimadu…” ayuu yiri Mudane Cumar Fiqi.

Dhanka Waftiga ka socday Safaaradda Switzerland ee Soomaaliya ayaa Puntland gaar ahaana Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku ammaanay shaqooyinka ay ka qabteen dhanka kaabayaasha dhaqaalaha.

Switzerland ayaa kamid ah dalalka deeq bixiyayaasha ah ee ku yabooha dhaqaalaha mashaariicda lagu fuliyo JPLG-ga ama mashaariicda Bangiga adduunku kala shaqeeyo Puntland.

Idilnews