Puntland iyo FAO oo ka wada-hadlay la-dagaalanka Ayaxa

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland iyo Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan beeraha iyo cunada ee FAO ayaa maanta shir kusaabsan wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhexeeya kuqaatay xarunta dhexe ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada Dowladda Puntland.

Shirkan ayaa si gaar ah waxaa xooga looga saaray wadashaqaynta labada dhinac ee arimaha la dagaalanka Ayaxa iyo hoos u dhiga dhibaatooyinka Ayaxa oo weli laga dareemayo gobolada Puntland, Waxaana gabagabadii shirkan soo xiray kusimaha Wasiirka wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle oo hay’adda FAO uga mahadceliyey wada shaqaynta wnaaagsan ee ay leeyihiin iyaga iyo Wasaaraddu.