Puntland oo tayeynaysa Machadka Dowladdaha Hoose ee deegaanadeeda (VIDEO)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo qabatay kulan uu Machadka Dowladda Hoose Puntland kusoo bandhigayay Manhajka lagu toobabari Doono Hawlwadeenadda Dowladda Hoose.

Kulanka ayaa waxa kasoo qayb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Adeega Bixiya, Bahwadaagta Wasaaradda UNJPLG, Saraakil ka Socotay Madaxtooyada, iyo qaar kamid ah shaqaalaha Dowladdaha Hoose Puntland, shaqaalaha iyo Lataliyayaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL.

Inta uu socday Kulanka ayaa looga Dooday dardargalinta manhajka Machadka Dowladaha Hoose Ee Puntland waxana lagu soo bandhigay Qorshaha iyo Mustaqbalka fog ee yeelan doono Machadka Dowladdaha Hoose Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL mudane Jubba Cali Nuur ayaa kulan daah furay.