Nin ka tagay Soomaaliya oo weeraray safaaradda Faransiiska ee Tanzania!

Ninka ka dambeeyay dilka saddex askari oo boolis ah iyo askari ilaalo ka ahaa meel u dhow safaaradda Faransiiska ee Dar es Salaam Arbacadii ayaa la sheegay inay walaalo ahaayeen nin hore uga tirsanaan jiray Al-Shabaab oo lagu dilay bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu ahaa soddon jir muddo ku jirey raadaarka booliska oo lagu raad joogay,waxaana magaciisa lagu sheegay sida ku qoran aqoonsigiisa Xamza Xasan Maxamed.

Sida warku sheegayo Xamza ayaa ka yimid dalka Soomaaliya kadib markii walaalkiis oo Al-Shabaab u dagaallamayay lagu dilay Ceelbuur ee gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Qoyska Xamza oo ka kooban hooyadii iyo walaalkii ayaa ciidammada ammaanku ka xireen magaalo ku taal xadka u dhexeeya Tanzania iyo Zambia oo ay ku noolaayeen.

Argagaxisada la tuhunsan yahay oo markii dambe la toogtay ayaa rasaas ku furay saddex boolis oo ku sugnaa bar -kontorool, wuxuu ka qaatay qori kale mid ka mid ah askartii dhacday wuxuuna toogtay askari ilaalo ahaa oo goobta ka dhowaa.

Illaa iyo hadda ma cadda in bartilmaameedkiisu ahaa safaaradda Faransiiska oo ku taalla meel u dhow goobta uu falku ka dhacay.

Idilnews