Wafti uu hoggaaminayo Wasiir Qowdhan oo booqday Dekedda Garacad (VIDEO)

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo uu hogaaminayo Wasiir Cabdi Ibrahim Warsame (Qowdhan) ayaa maanta booqday dagmooyinka Jariiban iyo dekadda Garacad ee Gobolka Mudug.

Wafdiga ayaa booqday Xarunta Degmadda iyo Dekadda Garacad iyadoo ay la kulmeen dhamaan masuuliyiinta Shirkadda Wadaagsin oo ah shirkad maxalli ah oo maamulka dhismaha gacanta ku haysa Dekadda.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Md Cabdi Ibrahim Warsame ayaa warbixnno kala duwan ka dhagaystay masuuliyiinta Wadaagsin oo ay weheliyaan khuburadda dhismaha Dekadda.

Wasiir Ku Xigeenka Ayaa bogaadiyay hormarka baaxadda leh ee ka socda dhismaha Dekadda iyadoo uu ku amaanay masuuliyiinta Wadaagsin sida ay uga dhabeeyeen mashruuca dhismaha Dekadda Garacad.

Maamulka Shirkadda Wadaagsin ayaa soo bandhigay qorshaha dhamaystirka Dekadda iyagoo soo dhaweeyay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka wada shaqayn doonaan qorshayaasha kala duwan ee labada dhinac horyaal.

Wafdiga ayaa loo sameeyay booqasho ay ku sameeyeen dhamaan shaqooyinka wanaagsan ee ka socda Dekadda iyadoo ay soo arkeen shaqa kasta oo ka socota dekadda Garacad.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa qorsheenaysa in ay ka hawl gasho Kastamka Garacad markii la dhamaystiro si loo bilaabo fududaynta ganacsiga hormaritna dhaqaalaha ee Dalka.

Idilnews