Dad ku waxyeeloobay Sun ku daadatay laamiga Garoowe

Booliska Gobalka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay gaari booyad ah iyo darawalkii watay oo kiimiko uu kasoo qaaday Shirkadda Isbuunyada Tabaarak oo dhowaan gubatay uu uga daatay laamiga bartamaha Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Kiimikadan ayaa sababtay inay suuxaan qaar kamid ah dadkii ku ganacsanayay hareeraha laamiga, sidoo kalena ay qaarkood dareemaan cun cun dhanka dhuunta iyo indhaha ah. Waxaana socda dadaalo lagu nadiifinayo laamiga oo ay wadaan ciidanka dab-demiska Garoowe.

Duqa caasimadda Garoowe Hon: Ahmed Said Muse oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri;

Maanta 11-kii barqanimo Booyad kuwa nadaafadda ayaa kiimiko kaga daadatay laamiga weyn ee magaalada dhexmara. Waxaa ka hawlgalay ciidanka amniga oo booyadii iyo darawalkii gacanta kusoo dhigay.
Kiimikada waxaa laga soo qaaday Wershedda Isbuunyada ee Tabaarak, taasoo dhowaan dab xoog leh dhibaato weyn u geystey.
Booyaddu ma ahayn mid loogu talo galay inay kiimikada qaado sidaa awgeed ayay dhincyada ka dalooshantay.
Dad badan oo laamiga ku ganacsanayey ama marayey ayaa ka sheegtay indho iyo dhuun xanuun, waxaa la sheegay in dadka qaar suuxeen.
Nadiifin iyo barxid kiimiko ayaa hadda socota, waxaa ka hawlgalay ciidanka Booliska, Dabdamiska iyo hawlwadeenadda degmada.
Illaahay haku guuleeyo, dadweynuhuna ha taxadareen sidaasna hawla socdeen.
Mahadsanidin, Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan.

Idilnews