Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland kadib safar shaqo oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirka madasha wadatashiga qaran ee arimaha Doorashooyinka kaas oo lagu gaaray go’aamo wax ku ool ah oo lagu dardar galinayo howlaha Doorashooyinka.

Idilnews