Maraakiib jariif ah oo dhibaatooyin badan ku haya kalluumeysatada degmadda Caluula (VIDEO)

Guddoomiyaha degmadda Caluula ee gobalka Gardafuu Cabdullaahi Ciise Saalax, ayaa ka warbixiyay xaalada degmadda ee dhinacyada Amniga iyo hormarka Arrimaha bulshada ee ka socda degmadda Caluula.

Guddoomiye Cabdullaahi Ciise ayaa sheegay in maraakiib jariif ay kusoo dhawaadeen xeebaha degmadda Caluula, kuwaas oo dhibaato ba’an ku haya kalluumeysatada degmadda, isagoona baaq u diray dowladda Puntland inay wax ka qabato maraakiibtan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha degmadda Caluula ayaa sheegay inay waddo la,aan baahsan ay ka jirto gobalka Gardafuu, waxaana uu intaas ku daray in wadaan hirgalinta waddooyin isku xiraya degmadda Caluulka, magaalooyinka iyo deegaanada kale ee gobalka, Dowladda iyo Shacabka Puntland ayaanu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dhismaha waddooyinkan.

Idilnews