Akhriso: Midowga Musharixiinta oo war kasoo saaray Doorashooyinka

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, kaas oo ay kaga hadlayeen xaaladda dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.

Afhayeenka Midowga Musharixiinta Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in kulankooda ay diirada ku saareen culeysyada kajira dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, sigaar ah afar arrimood oo kala ah.

1: Daaha doorashada, mugdiga soo galay, niyadjabka Bulshada Soomaaliyeed ,isla markaana uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

2: in la is xasuusiyay in Golaha Midowga Muaharixiinta u taagan yihiin in dalkaan doorashooyin xur iyo xalaal ah oo la isku haleyn karobay ka dhacaan.

3: inay wada-hadallo la leeyihiin Golaha wadatashiga doorashoiyinka sigaar ah dowlad Goboleedyada, iyaga oo u gudbiyay tabashada ay ka qabaan habraaca doorashada, wixii kasoo baxana ay Bulshada la wadaagi doonaan.

4: in Xukuumadda uu horkacsyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay wada-hadallo lamleeyihiin, isla markaana ay ka arrinsanayaan sidii dalka uga dhici laheyd doorashooyin xalaal ah oo la isku raacsan yahay.

Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay kasoo horjeedaan habraaca doorashooyinka Golaha Shacabka oo ay Golaha wadatashiga soo saareen.

Idilnews