Booliska Puntland oo Gaalkacyo ku qabtay gaari la dhacay

Ciidanka Booliska Gobalka Mudug oo howlgallo ka sameeyay magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo dhacay degmadda Goldogob iyo kooxdii soo dhacday.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidammadu kusoo qabteen gaarigan oo ahaa nooca loo yaqaan “Xaabsadaha” ee lagu qaado alaabaha, kaddib markii Booliska Goldogob ay kusoo wargaliyay dhaca gaariga.

Taliska Qeybta Booliska Gobalka Mudug oo qoraal kuu baahiyay bartiisa Facebook ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka jawaabista cabashada shacabka, waxaana ay ugu baaqeen bulshada gobalka Mudug inay la shaqeeyaan Ciidanka Amniga.

Idilnews