Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo Xafiis ka furtay Gobalka Sool (VIDEO)

Wafdi uu hogaaminayo Cali Jaamac Faarax oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland iyo Agaasimaha Wacyigalinta TPEC Faysal Khaliif Barre ayaa maanta xarig jaray xafiiska gobolka Sool ee Guddiga Doorashooyinka Puntland.

Furitaanka xafiiska oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada, qaar kamid ah Ururada Siyaasadda xafiisyada ku leh magaalada Boocame iyo masuuliyiinta gobolka ayaa xubnaha Guddigu sheegeen in xafiisku ka shaqayn doono sare uqaadida fahamka dadweynaha gobolka Sool ee Hanaanka Axsaabta badan ee Puntland iyo habsami usucodka shaqada Guddiga.

Idilnews