PUNSAA oo ka digtay dib-u-dhac ku yimaada Dilmuquraadiyeynta Puntland

Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah Puntland ee (PUNSAA) ayaa ka hortimid dalab ka yimid Urur-siyaasadeedyada Puntland ee ahaa in dib loo dhigo Doorashooyinka hordhaca ah ee Puntland ee la filayo inay ka qabsoomto degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

PUNSAA ayaa qoraal ay soo saartay uga digtay dib u dhac ku yimaada Dimuqraadiyaynta Puntland, waxaana ay ugu baaqday waxgaradka iyo aqoonyahanada Reer Puntland inay u istaagaan hirgalinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland.

“Waxaa ugu baaqaynaa dhamaan aqoonyahanka iyo waxgaradka Puntland in ay u istaagaan sidii doorashada golayaasha deegaanka ee Puntland ay u hirgali lahayd xiligii loo qorsheeyay.” Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka PUNSAA