Puntland oo gaadiid dagaal ku wareejisay Galmudug (VIDEO)

Dowladda Puntland ayaa ku wareejisay Galmudug gaadiid dagaal oo loogu talagalay Ciidanka Galmudug ee dagaalka kula jira Argagixisada Al-Shabaab.

Gaadiidka oo ka kooban 8 nooca dagaalka ee loo yaqaan Cabdi-bile, Booyad iyo Ambulance, ayaa qeyb ka ah qorshaha Puntland uga taageerayso Galmudug dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Puntland iyo Galmudug ayaa bilo kahor heshiis ku gaaray inay iska kaashadaan la-dagaalanka Argagixisada, waxaana Puntland ay ballanqaaday inay ka taageeri doonto Galmudug saanadaha Ciidanka, xog is dhaafsiga iyo fududeynta agabyada Ciidammada ee uga degaya dekedaha iyo garoomadeeda diyaaradaha.

Idilnews