Rooble oo ka horyimid iibinta Tiyaatarka Qaranka (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa laalay wareegto kasoo baxday Wasiirka Warfaafinta DFS Cismaan Dubbe taas oo lagu iibinayay qeyb kamid ah Tiyaatarka Qaranka.

Qoraal ay baahiyay Wasiir Dubbe ayuu ku yiri “Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda”

Qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ayaa ka horyimid talaabada uu Dubbe ku iibiyay qeyb kamid ah Tiyaatarka Qaranka, iyagoona digniin adag kasoo saaray.

Idilnews