TPEC “Doorashooyinka hordhaca ah ee Puntland waqtigooda ayay ku dhacayaan” (VIDEO)

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC iyo Urur-siyaasadeedyada Puntland ayaa kulan looga hadlayay dooda kasoo cusboonaatay qabashada doorashooyinka qof iyo codka ee hordhaca ah ku yeeshay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Labada dhinac ayaa heshiis ku gaaray in doorashooyinka hordhaca ah ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn lagu qabto waqtiga loo asteeyay oo ah 25 bisha October ee sanadkan 2021

Sidoo kale, Guddiga TPEC ayaa muddo Todobaad ah ugu daray Ururadda wakhtiga soo gudbinta Musharaxiintooda golaha Deegaanka ee saddexda degmo. Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa saxaafadda la hadlay.

Idilnews