Wasiir Fiqi “Waan la xisaabtameeynaa dadka lacagaha siiya Al-Shabaab” (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Galmudug iyo Puntland ay iska kaashan doonaan sidii loo soo afjari lahaa Xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab Ee ku sugan degaano ka tirsan Koonfurta Galmudug.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada Puntland & Galmudug ay ka go’an tahay sidii loola dagaalami lahaa Al-Shabaab, waxaana uu si cad u sheegay inay yaraatay awooda Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi waxaa uu sheegay in dagaalkii degaano ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug ka dhacay Al-Shabaab looga digay in ka badan 250 dagaalyahan, waxaana uu qiray inay dhawaan Al-Shabaab qabsadeen Gaadiid dagaal.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa uga digay dadka lacagaha siiya Al-Shabaab, waxana uu sheegay in dadkaasi lala xisaabtani doono.

Idilnews