Ciidammada Puntland oo howlgallo ka fuliyay buuraleyda Golis

Ciidamada difaaca dawlada Puntland ee kala ah ciidamada daraawiishta iyo ciidamada PSF ayaa hawl-gal wada-jir ah oo lagu sugayo Amniga ka sameeyay deegaanada kala ah Il iyo camayra, ceel-unkud, muguc iyo karin-dawaco.

Ciidamada oo uu hogaaminayay Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland ee Silsilada Golis G/Sare Saciid Nuur Shire ayaa hawl-galkaan qorshaysan ee la sameeyay waxay ahayd ujeedadiisu xaqiijinta Amniga iyo baadi-goobka haraadiga kooxaha argagixisada ee gabal-koodu dhacay ee ku dhuunta buuraha Golis.

Ciidamada difaaca dawlada Puntland ee Aaga sil-silada Golis waxay u taagan-yihiin markasta xaqiijinya Amniga, suulinta kooxaha burcad diimeeda ah ee ku dhuunta buuraha iyo ilaalinta nabad-gelyada guud ee Puntland.

Idilnews