Ra’iisul Wasaare Rooble “Waa in dhaqso ah loo bilaabo wajiga labaad ee doorashada” (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.

“Waxaan maanta la kulmay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka oo aan kala hadlay arrimo khuseeya geeddi socodka, hirgelinta iyo hufnaanta doorashada, habka soo xulista ergooyinka, kaalinta dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, wadashaqeynta guddiyada dhexdooda, qoondada haweenka, dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo qodobbo kale oo doorashada khuseeya” ayuu yiri Rooble.

“Waxaan ku ballannay in dhaqso oo bilaabo wajiga labaad ee doorashada oo ah doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka iyo in doorashadu noqoto mid hufan oo ka maran qof jecleysi” ayuu hadalkiisa kusii daray Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiyada uga warbixiyay dadaallada Xukuumadda ay ugu jirto dar dargelinta doorashooyinka, waxaana uu kula dardaarmay inay hirgeliyaan habraacyada u degsan hannaanka doorashada.

Idilnews