Sarkaal kamid ah Al-Shabaab oo isa soo dhiibay

Horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa dhanka Caafimaadka Gobolka Galgaduud oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada Federaalka.

Cali Ibraahim oo mudo dheer Alshabaab u qaabilsanaa Caafimaadka Gobolka Galgaduud ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Gorgor ee Galmudug ka howlgala kadib markii sida uu sheegay uu ku qanci waayay dhibaatada kooxdani ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

Horjooge Cali Ibraahim oo ka yimid Ceelbuur ayaa xalay saqdii dhexe iska soo dhiibey Deegaanada hoostaga Dhuusamareeb.

Idilnews