Soomaaliya oo dalab xasaasi ah u gudbisay Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq ayaa wadahadal teleefoonka la yeeshay Raysal Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sh.Maxamed Bin Cabdiraxmaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u soo jeediyay Dowladda Qatar oo xilligan shir-guddoon ka ah kaltanka caadiga ah ee 155aad ee Golaha Jaamacadda Carabta heer wasiir in ay hordhigto Golaha feylka Soomaaliya shirka soo aaddan ee wasiirrada si looga hadlo arrimaha siyaasadeed iyo amni ee Soomaalida.

Dowladda Qatar ayaa aheyd taageeraha ugu weyn ee dhinaca dhaqaalaha afartii sano ee Maamulka Madaxweyne Farmaajo, inkastoo la sheego in sanadkii u dambeeyay siduu u yimid Ra’iisul Wasaare Rooble ay dhaqaalahaas jartay.

Idilnews