Wasiir Ilyaas oo kormeeray xabsiga magaalada Qardho (VIDEO)

Wasiiru dowlaha Wasaarada cadaalada arimaha diinta dastuurka iyo dhaqan celinta dawlada Puntland Ilyaas Cabdi Maxamed oo safar shaqo ku jooga magaalada Qardho ayaa kormeer shaqo ku tagay jeelka wayn ee Magaalada Qardho, taliska saldhiga, kan qaybta Gobolka Karkaar iyo halka uu ka socdo dhismaha saldhig cusub oo magaalada Qardho ay yeelanayso.

Wasiirka oo ugu horayn taggay jeelka wayn ee magaalada Qardho, waxa uu kormeeray qaybaha uu xabsiga ka kooban yahay iyo xaalada maxaabiista ku jirta, waxa uuna warbixino la xiriira tirada maxabiista xiran, inta rumaanka ka dhagaystay saraakiisha xabsiga gacanta ku haysa.

intaas ka dib waxa uu wasiirku taggay saldhiga bartamaha ee Qardho, isagga oo sidoo kale kormeeray, waxa uu kulan la yeeshay taliyaha qaybta gobolka karkaar G/Sare Faarax Nuur Maxamed iyo taliyaha saldhiga Qardho Cumar Hiirad Kaatun, taliyaha ayaana la wadaagay wasiirka xalaada guud ee amni ee Gobolka Karkaar, shaqooyinka u qabsoomay iyo sidda ay u wada-shaqeeyaan laamaha garsoorka iyo booliska.

Ugu danbayn wasiirka oo uu weheliyo taliyaha qaybta gobolka karkaar, ayaa si wada-jir ah usoo idha-indheeyay halka ay ka socoto dhismaha saldhiga cusub oo magaalada Qardho ay yeelanayso.

Wasiir Ilyaas ayaa sheegay in dawlada ay ka go’antahay horumarinta hay’adaha garsoorka iyo xoojinta xiriirka iyo wada-shaqaynta xaafiisyda dawlada ee heer gobol.

Idilnews