Dilalka Soomaalida loogu geysto Sweden oo kordhay

Dilka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Swedan ayaa sii kordhaya, waxaa ugu dambeeyay wiil dhawaan lagu dilay degmada Hjulsta oo ku taalla Magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Hore waxaa dalka Sweden loogu diley dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhow 30-meeyo laga soo billaabo 2015-kii. Sagaal dhallinyaro oo ayaa sidoo kale dhaawacyo isu geystay.

Dhinaca kale, waddamada galbeedka waxaa ka jira in dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, oo siyaabo kala duwan ay isugu dila ama loogu diley.

Sheekh Xuseen Faarax Xaaji Warsame waa imaamka Masjidul Nuur oo Soomaalidu maamusho kuna yaala xaafada Rinkybay ee Stockholm, waxaa uu sheegay in dilkaasi ay Ciidamada Booliska u qabteen ilaa Sidees Ruux.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhalinyarada ay isugu jiraan kuwo, iyaga is dila iho kuwo la dilo, taasina ay sabab u tahay in Kooxo Kooxo ay iski weeraraan.

Qaar kamid ah wadamada Caalamka sida, Sweden, Canada iyo wadamo kale ayaa Soomaalida si aad ah loogu dilaa, iyada oo dilalkaas dad badan ay u xiran yihiin halka qaarkood xukuno kala duwan loogu riday.

Idilnews