Goormee dhacaysa doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Hirshabelle ?

Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Hir-Sbabeelle ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulan Magaalada Jowhar kula qaateen Guddiga Baarlamaaniga ah ee qabashada doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.

Kulanka oo lagu qabtay Xarunta Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa gogol xaar waxaa uu u ahaa wadashaqeynta Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle iyo Guddiga heer Baarlamaan ee qabashada doorashada Aqalka Sare iyo dardar gelinta howlaha doorashooyinka ee labada Guddi.

Xildhibaan Cumar Maxamed Soomane oo kamid ah Baarlamaanka Hir-Sha eelle ayaa sheegay in kulanka ujeedkiisa uu ahaa isbarasho iyo kala warqaadasho maadaama dhawaan ay billaabanayaan howlaha doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in labada Guddi ay isla qaateen in siwadajir is ogol ah looga wadashaqeeyo doorashooyinka soo socda , isla markaana doorashada loo qabto si xur iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe uu ku dhawaaqo liiska Musharixiinta Aqalka Sare si loo billaabo doorashada Aqalka Sare.

Idilnews