Jubbaland oo kala hadashay Netherlands, Jarmalka iyo Mareykanka Arrimaha Gargaarka

Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlada Jubaland mudane C/raxmaan Cabdi Axmed oo safar shaqo ku joogaa Nairobi ayaa maanta Safaarada Netherlands kulan kula qaatay

1. Madaxa arimaha Gargaarka Geeska Africa ee Safaarada Netherlands
2. Madaxa arimaha Gargaarka ee Safaarada Jarmalka ee arimaha Somalia
3. Madaxa arimaha Gargaarka ee Safaarada Sweden
4. Madaxa arimaha Gargaarka ee USAID
5. Madaxa arimaha Gargaarka ee Midowga Yurub

Wasiirku wuxuu usoo bandhigay xubanaha uu la kulmay qabya qoraalka qorshaha wasaaradda iyo in aay kala shaqeeyaan hergelintiisa, Baahiya Gargaareed ee kajira guud ahaan Jubaland iyo arimaha abaaraha iyo biyo la’aanta oo hada ka jirta deegaannada Jubaland oo u baahan xal dag dag ah.

Idilnews