Jubbaland oo maanta dhaqangelinaysa Amar horay uga soo baxay

Taliska Booliska Maamulka Jubbaland ayaa waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ay ka billaabayaan dhaqan gelinta Amar horay uga soo baxay Wasaaradda Amniga ee ahaa in wax hub ah an lagu dhex-qaadan karin Gudaha Magaalada.

Taliyaha guud ee Ciidanka booliska Jubbaland Jeneraal Maxamed Cabdi Sheekh Xujaale ayaa sheegay in la dhaqan galin doono amarka wasaaradda Amniga Jubbaland, isla markaana Kismaayo ay ka bilaabayaan howlgallo ka dhan ah hubka sharci darrada ah.

Waxaa uu sheegay in aan marnaba la aqbaleyn in hub lagu dhex-qato Magalada Kismaayo, balse kaliya hubka loo ogol yahay Ciidamada amniga sugaya, balse qofkii hub lagu qabto la xiri doono qorigana ay la wareegi doonaan

Ugu dambeyn Taliyaha guud ee Ciidanka booliska Jubbaland Jeneraal Maxamed Cabdi Sheekh Xujaale ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta & mas’uuliyiinta Jubbaland inay amarkaas dhaqan geliyaan, isla markaana howlgalkan uu yahay mid lagu sugayo amniga doorashooyinka.

23-kii Bishii la soo dhaafay ee Agoosto ayaa amar kasoo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland waxaa lagu mamnuucay in hub lagu dhex-qaato Gudaha Magalada Kismaayo, isla markaana qofkii lagu arkaa tallaabo laga qaadi doono.

Idilnews