Puntland iyo Galmudug oo wada-hadalo uga socdaan jiidaha dagaalka

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug G/Sare Muumin Cabdi Shire, iyo Saraakiil uu hoggaaminayo oo katirsan Ciidanka Puntland ayaa gaaray deegaanka Wisil ee koonfurta Gobolka Mudug, oo saldhig u ah howlgalka la-dagaalanka Argagixisada Al-Shabaab ee Galmudug.

Saraakiishan ayaa kulamo la leh Wasiirka Amniga Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka DFS iyo Galmudug ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, iyagoo ka wada-hadlaya sidii loo dardar-gelinta lahaa howlgalka sifeynta koonfurta Gobalka Mudug ee Galmudug.

Puntland ayaa dhowaan bilowday inay Ciidamadeeda geyso koonfurta Gobalka Mudug, si ay Ciidanka DFS iyo Daraawiishta Galmudug uga caawiyaan dagaalka Al-Shabaab iyo xoreynta dhulka ay heysato kooxda. Sidoo Puntland ayaa dhowaan ku wareejisay Galmudug gaadiid dagaal oo gaaray 10, kuwaas oo qeyb ka ah heshiis Puntland iyo Galmudug ee iskaashiga la-dagaalanka Argagixisada.

Deegaanka Wisil ayaa qiyaastii 161 KM Koonfur Bari uga beegan magaalada Gaalkacyo.

Idilnews