Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo amar la dul-dhigay

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane, Maxamed Abdiqaadir ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlay dar-dargelinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasime Waaxeedada iyo dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiiru dowlaha, ayaa soo jeediyey go’aamo ka soo baxay Madaxda Wasaaradda kuna saabsan dar-dar galinta Shaqada ay Shaqaaluhu u hayaan Dowladda iyo Shacabka, si ay ku dheehan tahay howlkarnimo iyo karti shaqo.

Wasiirka, ayaa kula dar-daaramay shaqaalaha iyo madaxda Wasaaradda in ay ilaaliyaan shuruucda iyo kala danbeynta Shaqada.

Idilnews