Taliban oo dumarka ka mamnuucday xilalka sare

Wareysi uu siiyay BBC Pashto, ku -xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan ee Qatar ayaa sheegay in haweenku ay sii wadan karaan shaqadooda, oo ay ku jiraan xilalka “heerarka hoose” ee dowladda ay ka hayaan, balse xilalka ugu sarreeya ama golaha wasiirrada dalka “laga yaabo inaysan” ka mid noqon doonin haweenka.

Taalibaan ayaa la filayaa inay soo dhisaan xukuumad cusub maalmaha soo socda balse su’aalo ayaa weli ka taagan sida xukunkoodu uu u ekaan doono.

Sida oo kale Taalibaan ayaa horay u sheegtay in haweenka ka shaqeeya shirkadaha, wariyenimada iyo shaqooyinka kale ay howlahooda ku soo laabtaan, si ay bulshada ugu adeegaan.

Idilnews