Tigaana oo xilka ku wareejiyay Agaasimaha cusub Wasaaradda Dhalinyarada (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane Jaamac Faarax Muuse ayaa maanta xilalka ukala wareejiyey Agaasimaha Guud ee hore iyo agaasimaha Cusub iyo Sidoo kale Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyada oo dhowaan uu soo magacaabay Madaxwaynaha dowladda Puntland.

Xil wareejintan oo ay si wayn loosoo agaasimay ayaa waxaa xilalka kula kala wareegaayey agaasima cusub ee Wasaaradda Mudane Jaamac Xasan Cabdule iyo agaasimihii hore Mudane Axmed Cabdalla Tigaana sidoo kale waxaa xilka kula wareegay agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdiraxman Maxamed Maxamuud, kulankan ayaa waxaa Goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda oo xilalka ukala wareejiyey Agaasimayaasha Cusub iyo Kuwii hore.

Agaasimihii hore ee Wasaaraddda Axmed Tigaana ayaa ku wareejiyey agaasimaha Cusub Xogaha Wasaaradda iyo Hantida Wasaaraddu ay leedahay ugana war bixiyey horumarka ay wasaaraddu gaartay mudadii uu joogay iyo halka ay tiigsanayso sidoo kale agaasimaha ayaa ugu hambalyeeyey agaasimaha cusub uguna duceeyey in xilka ilaahay ku asturo.

ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Jaamac Faarax ayaa soo dhoweeyey agaasimaha cusub sidoo kalena u mahad celiyey agaasimihii hore ee Wasaaradda Mudaddadii u dalka iyo dadka usoo shaqaynaayey iyo Shaqo hufnaantii ay kuwadda shaqeeyeen mudadii uu joogay.

Xil wareejintan ayaa waxaa goob joog ahaa agaasime waaxedada Wasaaradda, Lataluyaha Wasiirka iyo Dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda sidoo kale waxaa kulankan goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Puntland.

Idilnews