Wasiir Dubbe “Nada Al-Qala iyo fanaaniin kale oo Reer Sudan ah ayaa imaanaya Soomaaliya” (VIDEO)

Wasiirka warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa xilli uu khudbad ka jeedinayay xafladda Qalinjebinta Jaamacada Somali International University, ayaa sheegay in fanaaniinta reer Suudaan oo ay ka mid tahay Nada Naada Al-Qalcah, ay rabaan inay barnaamij ku qabtaan tiyaatarka Qaranka Soomaaliya taas oo hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida.

“Safiirka Suudaan ayaa ii yimid oo igu yiri fanaaniin reer Suudaan ayaa raba inay tiyaatarka barnaamij ku dhigaan, xafiiska ayuu iigu yimid wuxuuna igu yiri fanaaninta waxa ka mid ah ah oo Nada Alkhala.” ayuu yiri wasiirka.

Waxa ay ka mid tahay fannaaniidta aadka loogu jecelyahay dalka Suudaan, iyada oo haysato taageero badan oo Soomaali ah.

In kastoo Suudaan ay leedahay boqollaal fanaaniin caan ah, Naada way ka soo dhex baxday, waxayna ka mid noqotay kuwa ugu caansan.

Idilnews