Ciidanka Puntland oo bad-baadiyay Markab shidaal oo halis galay (VIDEO)

Ciidanka ilaalada Badda Puntland ee PMPF oo kaashanaya Ciidanka Boliska degmada Baargaal ayaa gurmad ufidiyey markab shidaal oo ku siijeedey magaalada muqdisho, kaas oo ay haleeleen duufaano.

Markabkan oo ku safrayay calanka dalka Imaaraadka Carabta ayaa qarka u fuulay inuu ka baxo jihada uu ku socda, kaddib markii ay hareeyeen mowjado dabeylo ah, waxaana si deg deg ah caawinaad u fidiyay Ciidammada Puntland.

Idilnews