DEG-DEG: NISA oo shaacisay inay Al-Shabaab dishay Ikraan Tahliil

Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd xubin katirsan Hay’adda NISA muddona la’la’aa ay gacanta u gashay kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo dilay.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraal kasoo baxay Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi.

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo
Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.

HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin
muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.

HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.