Erdogan oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Gabar Ciidan ah oo xijaaban

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa si gaar ah u sharfay una Maamuusay sarkaal dumar ah oo xijaaban oo ka tirsan ciidamada ammaanka Turkiga.

Erdogan ayaa Cüli Shahbaz Gudoonsiiyay shahaado sharaf ay kaga sareysay saaxiibbadeeda ka Qalin -jabiyay Kuliyada Tababarka Ciidamada ee Gendarmerie Academy .

Erdogan ayaa Ka qayb galay Xaflada Qalin jebinteeda si uu Si gaar ah ugu Hambalyeeyo Gabadhan ,wuxuuna Xaflada ka yiri Sidan .

” Sababta aan Halkan u imi ee aan Sida Gaarka ugu Maamuusay Saraakiisha Dumarka ee Xijaaban ,Waa inay sameeyeen Geesinimo Sababtoo ah Dumarka Xijaaban aad ayay ugu Yaraayeen Ciidamada , Waan Dhiirigelinayaa waxaana Rjaynayaa inay Dawr fiican hada kadib Ciidamada Dalka ka Qaataan .

“Cüli Shahbaz Waxay Ku Baastay Darajo sare dedaal badan ayay Samaysay , Waan ku faraxsanahay inaan Guusheeda Goob joog u ahaado ,Waxaan kaloo aad ugu Sharfayaa inay kasoo Jeedo Qoys Wadankan usoo Halgamay oo lawada garanayo”

“Qoyskeeda Qaar kamid ah Waxay u Dhinteen iyagoo Difaacaya Dalkan , Iyaduna Maanta inay Marto Jidkii Qoyskeeda ayay Rabtaa.”

“Sidii Nebigeena Muxamed NNK uu u Sharfi jiirey oo u Darajayn jirey Asxaabtii ka Qayb galay Dagaalkii Badar , ayaan Aniguna u Sharfaa Qof kasta iyo Qoyska Kasta oo Dalkan usoo Halgamay” ayuu yiri Madaxweyne Ordogan.