Faallo: Maxay Puntland uga caawinaysa Galmudug, la-dagaalanka Al-Shabaab ?

Dowladda Puntland ayaa maalmaha soo socda cutubyo katirsan Ciidamadeeda Difaaca iyo la-dagaalanka Aragagaxisada u diraysa deegaano kamid ah Koonfurta Gobalka Mudug ee Galmudug, kuwaas oo todobaadyadii u dambeeyay ay dagaalo ku dhexmarayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab iyo Ciidammada DFS iyo Daraawiishta Galmudug.

Saraakiil hordhac u ah Ciidamada Puntland ayaa gaaray deegaanka Wisil ee gobalka Mudug, oo qiyaastii 160-KM u jira magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ah saldhiga ugu weyn ee laga hagayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab heysta deegaanka gobalka Mudug ee Galmudug, kuwaas oo indha-indheyn ku sameynayay jiidaha dagaalka, kulamana la yeeshay Saraakiisha Ciidanka ee hoggaaminaysa dagaalka.

Maxay Puntland uga caawinaysa Galmudug, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ?

June 26, 2020, Madaxweynayaasha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ayaa ku heshiiyay in labada maamul iska kaashadaan Amniga iyo la-dagaalanka Argagixisada.

Heshiiskaan ayaa albaabada u furay in Puntland iyo Galmudug ay ka wada shaqeeyaan ugu horeyn xaqiijinta Amniga Gaalkacyo, waxaana ciidanka daraawiishta, booliska iyo sirdoonka Puntland oo garab ka helay Ciidanka Galmudug ay gacanta ku dhigeen shabakadihii Al-Shabaab ugu howlgalayay Gaalkacyo tan iyo 2008-dii, kuwaas oo ka geystay magaalada dilalka, weeraro iyo qaraxyo lagu khaarajiyay haldoorkii gobalka Mudug.

Sidoo kale, Puntland ayaa intii howlgalada ka dhanka Al-Shabaab ay ka waday Gaalkacyo ciidankeedu ka howlgali jireen koonfurta magaalada oo ay ka arimiso Galmudug, waxaana ay kasoo qabsadeen xubno badan oo katirsan Argagixisada, kuwaas oo qeybtood qaabilsanaayeen dhinaca Galmudug.

Puntland ayaa haatan u ruqaansanaysa inay taageero milateri oo toos ah ay siiso Galmudug oo gashay dagaal sababteeda ay laheyd Puntland, kaas oo lagu xoreynayo dhulka Al-Shabaab ka joogaan koonfurta gobalka Mudug, sida degmada Xarardheere, oo muddo sanado badan ah saldhig iyo deked muhiim ah u ah Al-Shabaab. Waxaana ay dhowaan ku wareejisay Galmudug gaadiid dagaal, iyo saanad milateri, iyadoona diyaarisay cutubyo Ciidankeeda ah oo ka barbar dagaalama Ciidanka Galmudug iyo kuwa DFS.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare (Sanyare), oo la hadlayay BBC -da ayaa sheegay in Ciidanka ay Puntland u dirayso deegaanada Galmudug ee dagaaladu ka socdaan ay yihiin kuwo si weyn u qalabeysan lehna istiraatijiyad dagaal, kuwaas oo ka saacidaya Galmudug xoreynta dhulka Argagixisada Alshabaab heysato.

Sanyare ayaa intaas ku daray in xoreynta dhulka Al-Shabaab kaga sugan tahay Galmudug ay nabad u horseedayso labada maamul, isagoona ku baaqay in la dhiiragaliyo Ciidanka.

U gaar ah Shabakadda Idilnews.

Idilnews