Fanaankii weynaa ee Maxamed Shamuuri oo geeryooday

Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday fanaankii Caanka ahaa ee Maxamed Aadan Shamuuri, kaas oo la sheegay in muddooyinkii dambe uu ku xanuun sanayay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa Tacsi udiray qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Fanaankii waynaa ee Hoboladda Qaranka ee Waabari oo xalay Muqdisho ku geeriyooday.

Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii, Hoboladda Qaranka ee Waabari iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo.

Maxamed Adan Shamuuri wuxu ahaa fannaan qaran oo dadkiisu aad u jeclaa, sidoo kale marxuumku wuxu ahaa nin leh dabeecad fiican iyo dad la dhaqan wanaagsan. Ilaahay ha u naxariisto. Ayuu yiri” Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Cismaan Abuukar Dubbe.

Idilnews