Jubbaland oo qeyb cusub oo muhiim ah ku kordhinaysa Isbitaalka Kismaayo (VIDEO)

Kusimaha Madaxweynaha Jubaland ahna Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dowlad goboledka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golaha wasiiradda Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta ka qayb galay dhagax dhigga xarun cusub oo lagu soo kordhiyey qaybta gargaarka deg dega ah Isbitaalka guud ee magalada Kismaayo.

Masharuuca lagu dhisayo xaruntaan ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana qorshuhu yahay in xaruntaani ay 24-ka saac si toos ah ugu adeegto bulshada.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Ibraahim Oogle ayaa faah faahin ka bixiyay mashruuca lagu dhisayo qaybtaan cusub ee lagu soo kordhiyey Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland ahna Madaxweyne kuxigeenka labaad Cabdulqaadir Xaaji Maxamud ayaa ku amaanay wasaaradda caafimadka Dowlad goboleedka Jubbaland dedaalka ay ugu jirto hirgelinta xaruntaan oo ay baahi weyn u qabaan bulshada magaalada Kismaayo.

Idilnews