Jubbaland oo xoojinaysa Amniga degmo katirsan Gobalka Gedo

Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay kulan looga hadlayay adkeeynta amaanka magaaladaasi oo waayihii dambe soo xumaanayay, kadib markii ay Al-shabaab dilal iyo qaraxyo ay ka geesteen.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Wasiiro katirsan Jubbaland, Waxaana masuuliyiinta maamulka degmada Ceelwaaq iyo saraakiisha Ciidamada isku raaceen in laga wada shaqeeyo sugida ammaanka magaaladaas.

Guddoomiyaha degmadda Ceelwaaq Ibraahim Guuleed ayaa sheegay in kulanka lagu go’aamiyay in la dardar-galiyo Adkeynta Amniga degmadda iyo ka hortaga dhagarta Argagixisada.

Idilnews