Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland ee maanta ? (VIDEO)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada dowladda Puntland.

Shirka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, xaaladda Gobollada Puntland, abaaraha iyo arrimaha bini’aadanimada. Madaxweyne Karaash ayaa faray Golaha Wasiirada dardar-gelinta shaqooyinka Dowladda.

Idilnews