RW Rooble oo loogu baaqay inuu xilka ka qaado Fahad Yaasiin

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si adag uga hadlay warbixin ay baahisay Hay’adda NISA, taas oo ay ku sheegtay in Ikraan Tahliil oo xubin ka aheyd NISA muddona la la’aa ay u gacan gashay kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, oo ugu dambeyn dishay.

Mahad Salaad ayaa sheegay in Agaasiamaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin uu yahay Al-Shabaab, uuna isagu ka dambeeyay dilka Ikraan Tahliil, isagoona ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu xilka ka qaado Fahad, si loo soo taago Maxkamad.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad.

Alshabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah. RW Maxamed Xuseen Rooble waxaan kula talinayaa in uu xilka ka qaado ninkaas dambiilaha ah, dalkana in uu ka baxo aan loo oggolaanin si Maxkamad loo soo taago!

Idilnews