Warshad soo saartay Oxygen-ta oo loogu deeqay Isbitaalka Qardho

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Cadaalada iyo Sinaanta Eng.Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye), ayaa sheegay inuu warshad sameysa Oxygen-ta uu ugu deeqay Isbitaalka magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar.

Eng. Jabiye ayaa sheegay inuu baahiyo fara-badan kusoo arkay Isbitaalka magaalada Qardho oo uu maanta booqday, gaar ahaan Oxygen-ta, ayna tahay sababta keentay deeqda warshadan soo saari doonta Oxygen-ta.

“Waxaan maanta booqanay aniga iyo xubnaha Ururka Caddaalada iyo Sinnaanta Gardo General Hospital waxaan kusoo aragnay in baahi badan loo qabo warshadda Oxygen-ta”

“Anigoo ku hadlaaya afka Ururka Caddaalada iyo Sinnaanta waxaa ugu deeqnay Gardo General Hospital warshad samaysa Oxygen-ta.”

“Bulshadu waxay u baahan tahay Hogaamiyayaal dareen Ummadeed leh waxna uga celiya canshuurta ay ka qaadaan.”

Idilnews