Al-Shabaab oo beenisay inay afduubatay, ayna dishay Ikraan Tahliil!

Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa iska fogeysay dilka Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaal katirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, taas oo muddo la la’aa.

NISA ayaa xalay shaacisay in Ikraan Tahliil ay afduubatay kooxda Al-Shabaab, ayna dishay.

Qoraal lagu baahiyay baraha Internet-ka ee kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab aysan arag Ikraan, uuna yahay been abuur warka kasoo baxay Hay’adda NISA, ee ahaa Shabaab afduubteen gabadhan ayna dileen.

“kama dambeyno, waxba kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil, layaab ayay nagu noqotay in Sirdoonka dowladda ridada nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen ayaa anaguna ula fajacnay” ayaa lagu yiri qoraal Alshabaab ku baahiyeen barahooda Internetka

Idilnews