Fahad Yaasiin oo u baxsaday Dalka Turkiga, Afduub ka socda Beledweyne!

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ah Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa u baxsaday dalka Turkiga, kaddib shaacintii NISA ee in Al-Shabaab ay dishay Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaal NISA katirsan oo muddo la la’aa, sida qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku shaaciyay Xildhibaan Mahad Salaad.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale ugu baaqay Beesha Gaaljecel oo ay ka dhalatay Ikraan Tahliil inay ka hortagaan afduub ay ka wadaan dhalinyarada Beesha magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, kaas oo ka dhan ah Beesha uu Fahad ka dhashay.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad.

CODSI KU SOCDA BEESHA GAALJECEL‼️

Kiiska dilka Ikraan Tahliil wuxuu ku cadyahay Fahad Yaasiin, isaga ayaana loo ciqaabi doonaa inshaa’allaah. Waxa la ii sheegay inuu u cararay dalka Turkiga, halkaasna uu ku dhuumaalaysanayo laakiin lagama hari doono inshaa’allaah, ilaa maxkamad laga soo taagayo, lana marinayo ciqaab u dhiganta dambiga uu ka galay walaasheen Ikraan iyo qoyskeeda!.

Walaalaha reer Hiiraan gaar ahaan Beesha Gaaljecel waxaan ka codsanaynaa in ay ka hortagaan dhalinyarada la haybta ah ee la sheegayo in ay dad ka qafaalanayaan magaalada Baladweyne. Sababtoo ah dambigaan waxaa geystay qof ee qabiil ma galin. Isaga ayaana lagula xisaabtamayaa.

Ficillada nuucaan oo kale ah waxay naga marin habaabinayaan wadada aan ku socono ee Ikraan xaqeeda aan ku baadi goobeyno, sidoo kalena waxay naga sii jeedinaysaa indhaha shacabka Soomaaliyeed ee nala duuban si Ikraan cadaalad u hesho, dambiilihii ficilkaan foosha xun geystana gacanta lagu soo dhigayo!

Idilnews