Madaxweyne Deni oo ku wajahan Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa ka degi doona berri magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, halkaas oo kulamo kula yeelan doono Maamulka, Waxgaradka iyo Isimada dhaqanka Gobalka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale xariga ka jari doona Mashaariic hormarineed oo laga hirgaliyay Gobalka Mudug, sida Dekedda Garacad, garoonka kubadda cagta Cawaale, iyo xarunta Gobalka Mudug, sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagax dhigaya mashaariic hormarineed oo ay kamid tahay Wadada Gaalkacyo – Garoowe oo dhismaheedu si rasmi ah u bilaabanayo.

Idilnews