Midowga Musharixiinta oo dalbaday saddex arrimood si loo xaqiijiyo kiiska Ikraan (VIDEO)

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble inuu qaado saddex tallaabo oo ku saabsan kiiska dilkii Ikraan Tahliil.

1- in is bedel degdeg ah lagu sameeyo hoggaanka sare ee hey’adda Nabadsugida, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.

2- in loo saaro guddi caalami ah oo madax bannaan si looga gungaaro xaqiiqda kiiskan

3- in hey’adda loo magacaabo hoggaan kalsoonida shacabka hanan kara

Idilnews